Sign in to follow this  
Deeq A.

Balan Dumar oo Kadda Loob Raga ka danbey Hee ba la yidhi ?

Recommended Posts

Deeq A.   

Balan Dumar oo Kadda Loob Raga ka danbey Hee ba la yidhi ?

Waa tii Dameeri Dhaan-raacdaydu dhami ku haddaqayaan Isbedel-ba socod iyo waxa la mid ah ee .

Waa kana isbedelkii aad sheegaysen kii ka danbeyey isaguna is bedelka kale weeyan ah ee Soo dhaweeya .

Maanta iyo Itoobiya ,Degaanka Oromiya .

Ahmed Abiya Itoobiya .

Ismaaciil Cumar Guele DJabuuti .

Cumar Al-Bashir Sudan.

Ma markale Ayuu Axmed Abiya Itoobiya ku dhaqaaqo isbedel kale ?

Sidee ayey kula tahay Adiga? waa inta ku doodaysa Itoobiya Isbedel ka dhacay iyo waa uu ku socdaa in kasto xaladaheed hoose maalin walib dhibaato iyo mudahaarad aan kala go,oo lahayn ka jiro waa ta ileen soomalida inta aan wax ka bararan degini ku xoog xoogsanyaan inta kor ku xusey ee.

Waxa ii cad Itoobiya in ay geed-dheer iyo mid gaaban u koreyso Danteeda gaar ahaaneed qof caqli leh waa fahmi kara wadanka guunka laakiin hiin-raac waa u sacab tumaya .

Filo Berrina Kenya Tanzsani Ugand oo iyaganna gaar loo la faqaayo.

Waxan Xasuustay Heestu qaadi jiray Mohamed Axmed Kuluc odhan jirtay Ha ku daalin jeedal hadad jamato Geed adag aanad ahayn wax ku jara jibin mayso gacantu.

Qofku haduu waxa uu idhisa ku arko uun uu waxa ku Cabirro waa sidii odhaadii hore loo yidhi ee ahayd ” indho ku gaaradle ” sideed ba indho-ku garaad lah waxab umma kordhaan waayo wax uu arko uun ayuu wax ku qaadanaya oo kaliya .

Dadka aaminsan in isbedel itoobiya ka dhaca oo xaga nadamka Dawlada ahi uu bedel karro geedka Afrika oo dhan Ummadaha ku Nool iyo Nadamaakood, Dawaldeed iyo siyaasadeed, Dhaqaale waa kuwo ah indho ku gaaradle ee aan ahayn caqli , Aqoon ku garaadle iyo xigmad maalba.

Hadii Shimbir meel ka duusho cabirkooda gaarasho , fahan, aqooned aragti ba, waxa weeye ,all duushay shimbirtu laakiin ma fahmi karayaan waa duuli jirtay waana debcigeeda iyo habka ay u socoto inteed badan kunna gaadho meel fog iyo meel dhowba .

Waxa kuwo inta maanta ka dhiganaya af-macaansaneydi Itoobiya ayaa isbedel ku dhawaaqday balse aan iyagu u iswediin karrin Adigu maxa kaga shan iyo toban ah ?Itoobiya iyo isbedelkeed adigu maxaad ugu debecsanan weyday dantaad ee aad Danta Dadka kale u jeceshay rixinteeda aanad waxba ku lahayn inaad ka sheekaysi mooyane.

Sidda iga baxday Soomalida sideedba danteeda waa ka daalan tahay balse ta Danta Dadka kale waa jeceshay inay ku mashquusho wakhti iyo juhdi badana geeliso u muraaqeedkeed waxan waxba ugu jirin ugunna jilayn.

Gabbo-gabadii

Waxa laga haya AU Naxariisto Abwaan Suldaan Timcad :
Midigtaad waxay xoogsatay ba ka maydha gaajada,e .

Markad aanad lahayn looma kuulo maanka waligay.

Mogaabada Hashada ka Roon May-dhanaan kale, e .

Alle Ha innaga dhigo kuwo Dantooda ku foogana waxa kabuhu inagag I’dlaadeen iftiiminta ta Danta dadka kale ee.

Abokor Mohamud .

abokorm@hotmail.co.uk

Bolton United Kingdom.

Waa Billahi Towfiiq

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this