Deeq A. Posted December 9, 2018 Jowhar ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay agagaarka magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxa ay u dhexeysaa laba Maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan deegaanada Maandheere iyo Kongo ee gobolka Sh/ Dhexe. Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa deegaanadaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo madax banaan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi. Wadahallo iyo dadaallo looga hortagayay xiisadaasi ayaa fashilmay, taas oo sababtay in colaadu ay dib u soo laabato Labada Beeleed ayaa isku haya arrimo la xariira dhul daaqsimeed ku yaalla deegaanada Maandheere iyo Kongo ee gobolkaasi. Muddooyinkii dambe xiisada aheyd mid dagan, inkasto aysan jirin illaa iyo hadda wax xal ah oo laga gaaray colaadaasi. The post Xiisad dagaal Oo ka taagan duleedka M/ Jowhar appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites