Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox hubeysan Oo dil ka geysatay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa maanta dil ka geystay agagaarka isgoyska Ex Koontaroo Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay shaqsi ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Ismaan Afrax.

Sidoo kal waxaa Rasaasta lagu furay Marxuumkaasi ku dhaawacantay Qof Dumar ah oo ku sugneyd halkaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Dhinaca kale Al Shabab ayaa sheegtay masuuliyada dalkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay weerar qorsheysan ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa waaxda Canshuuraha ee dowladda Soomaaliya.

Illaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya dilkaasi.

Balse dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho.

The post Koox hubeysan Oo dil ka geysatay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this