Deeq A. Posted December 9, 2018 Mandera ( Sh. M. Network )-Inta la xaqiijiyay saddex ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay qarax Miino oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, sida sheegeen saraakiisha dhinaca ammaanka ee dalkaasi. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa haleelay Baabuur ay la socdeen dad Ganacsato ah oo u kala gooshay gobollada Xeebta iyo Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Madaxa ammaanka magaalada Xeebeedka Lamu Joseph Kanyiri ayaa xusay in dadka ay dhaawacyada soo gaareen la geeyay isbitaalka, si la daweeyo Waxaana uu intaasi ku daray in halka uu ka dhacay qaraxa Miino ay gaareen Ciidamo ka tirsan Booliska, si ay u xaqiijiyaan ammaaanka. Booliska Kenya ayaa weerarkaasi khasaaraha geystay ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen rag ka tirsan Al Shabaab oo weeraro ka fuliya gudaha dalkaasi Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay ay Keymaha Boni ee xadka Kenya iyo Soomaaliya ka baadigoobayaan Haweeney u dhalatay dalka Talyaaniga oo dhawaan ay Afduubteen kooxo hubeysan Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan dadaallo xoogan oo ay ku doonayaan in ay ku soo furtaan Gabadha la Afduubtay oo ka shaqeyneysay dhinaca arrimaha gargaarka. The post Qarax khasaare geystay Oo ka dhacay dalka Kenya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites