Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa Ciidamada DFS Oo lagu dilay xaafadda Black Sea

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada DFS ayaa lagu soo warramayaa in goor dhow lagu dilay xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay in ay Toogteen askartaasi, kadibna ay ka qaateen Qoryihii ay wateen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano xoogan ka bilaabay halkaasi.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaan dilka askartaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkooda.

Muddooyinki dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay dilalka ka dhanka ah askarta dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

The post Askar ka tirsanaa Ciidamada DFS Oo lagu dilay xaafadda Black Sea appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this