Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo sharci darro ku tilmaamay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):- Kadib Shir jaraa’id oo uu guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Soomaaliyeed Cabdiweli Ibraahim Muudey ku qabtay Magaakada Muqdisho ayuu ku sheegay in uusan guddoomiyaha baarlamaanka qaban karin Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa Madasha uu shirka jara’id ku qabtay oo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia  ayaa waxaa ku sugnaa xildhibaano badan oo taageersan Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ku macneeyay sababta aan laga keeni karin mooshin Madaxweynaha in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah.

Dhinaciisa  shirka jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federalka Mahad Cabdalla Cawad isagoo sidoo kale ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo inuu yahay mid aan sharci ahayn.

Waxaana Guddoomiye ku xigeenadu hoosta ka xariiqeen in Mooshinka ka dhanka ah  Madaxweyne Farmaajo uu yahay sharci darro wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana uu qaadi doono guddoomiye Mursal islamarkaana iyagu aysan ku raacsaneen.

 

The post Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo sharci darro ku tilmaamay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this