Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaliya Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Muushinka Laga Gudbiyay Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho) Shir jaraa’id oo uu guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey ku qabtay Madaxtooyada ayuu ku sheegay in uusan guddoomiyaha baarlamaanka qaban karin Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyada  Soomaaliya.

632B2B01-ECB9-4450-B89B-B581B9CCF714.jpe

Warkan ka soo baxay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa yimid kadib markii kulan ay caawa ku yeesheen Madaxtooyada xildhibaano badan oo taageersan Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo u badnaa xildhibaano ku jira golaha wasiirada dowlada federalka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ku macneeyay sababta aan laga keeni karin mooshin Madaxweynaha in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah.

Sidoo kale shirka jaraa’id ayaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federalka Mahad Cabdalla Cawad isagoo sidoo kale ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo inuu yahay mid aan sharci ahayn.

Guddoomiye ku xigeennada Baarlamanka waxay sheegeen in Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo uu yahay sharci darro wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana uu qaadi doono guddoomiye Mursal, iyaguna aysan wax shaqo ah ku lahayn dhibaatada uu dalka u horseedo.

Labada Guddoomiye ku xigeen ayaa ku dooday inaan la qaban karin mooshin madaxweyne inta laga dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah.

“Maadaama aysan jirin Maxkamad dastuuri ah Guddoomiye Mursal isagaa yaqaana halkii uu la aadi lahaa mooshinka uu qabtay, waana uga dignay arrintaas inta uusan qaban” ayuu yidhi Mahad Cabdalla Cawad gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka.

Xaalada dalka ayaa waxa ay hadda gashay qalalaase siyaasadeed oo aan la hubin halka uu ku dambeyn doono.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this