Deeq A. Posted December 9, 2018 Soo dhoweyntii Asad loogu sameeyay barxadd Garoowe Musharaxa madaxweynaha Puntland Mudane Asad Cismaan Cabdullaahi oo socdaalka uu ugu magac daray Difaac iyo dowladnimo ku maraya goboladda Puntland ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafti uu hoggaaminayay Caasimadda Puntland ee Garoowe. Kumaanaan kun oo Dadweynaha Garoowe ayaa isugu soo baxay banaanka magaaladda iyagoo sitay sawirada musharaxa, waxayna ku dhawaaqayeen heeso iyo halkudhigyo ay ku taageerayaan musharaxa madaxweyne Asad Cismaan Cabdullaahi Musharax Asad oo Khudbad kooban ka jeediyay Barxada caasimada Garowe Waxaa uu uga mahadceliyay shacabka Caasimada Garoowe sida ballaaran ee ay ugu soo dhaweeyeen banaanka iyo gudaha magaalada “ Reer Garoowe waa la idiinku yaqaanay soo dhaweynta qiimaha leh iyo dowlad jacaylka, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, aad baan u faraxsanahay idiinma abaal gudi karo laakiin ilaahay baa idiin abaal gudi” ayuu yiri Musharax Asad Cismaan Xilligii kululaa ee musharuxu ku soo beegmay magaalada Garoowe ma noqon mid shacabka ka hakisa qabashada isu soo bixidii ugu waynaa ee abid soo mara barxadda magaalada Garoowe oo dadwaynahu soo buux dhaafiyeen taasoo sababtay in ka soo qaybgalayaashii maqli kari waayeen khudbaddii uu musharraxa madaxwayne goobtaas ka jeedinayay. Waxaase la yaab lahayd in dadwaynaha qaar ka mid ah u sii raaceen hoygiisa ilaa markii dambe uu kula hadlay hoyga uu ka degi laha magaalada, halkaas oo uu ugu mahad celiyay shacabka magaalada Garoowe taageerada ballaadhan ee ay u muujiyeen. Musharax Asad oo subaxnimadii hore ee saaka ka soo ruqaansaday magaalada Qardho wuxuu soo maray tuulooyinka qaar oo uu salaan iyo gacan qaad la dhex maray taageerayaasha ku teedsanaa wadada dheer ee laamiga ah ka hor inta uu san gaarin degmada Dangoroyo, halkaasi oo khudbad gaaban uu u jeediyay dad waynihii sida wayn ugu soo baxay soo dhowayntiisa. Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi oo 1-dii bishan December 2018 kaga dhawaaqay Magaalada Bosaso inuu u tartamayo xilka madaxweynaha Puntland ayaa socdaal ku soo maray degmooyinka Baran, Ufayn, Carmo,Waaciye, Dhahar, Qardho iyo magaalooyin kale oo ku teedsan wadada laamiga PUNTLAND POST The post Musharax Asad Cismaan Oo Garoowe Lagu Soo Dhaweeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites