Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano” waa nalaga been abuurtay mana saxiixin Mooshinka Madaxweyne Farmaajo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow oo caawa ah wariyaasha kula hadlay xarunta Villa Hargeysa ee uu baarlamaanka guddiyadiisa ay ku shaqeeyaan ayaa sheegay in laga been abuurtay islamarkaasina aanay saxiixin mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed  iyo Xildhibaanad Guda Axmed Cali ayaa sheegay in ay tahay wax kama jiraan in ay saxiixeen mooshinka madaxweyne Farmaajo laga keenay.

Labadaasi Xildhibaan ayaa waxa ay sheegeen in ay maxkmad la tiigsan doonaan cid kasta oo ku been abuurtay islamarkaasina magacyadooda ku been sheegay.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin maanta ka soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka Dhageeyso Codadka

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/12/Xildhibaano-Laga-been-Abuurtay-Cod-Sax-ah_.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Xildhibaano” waa nalaga been abuurtay mana saxiixin Mooshinka Madaxweyne Farmaajo” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this