Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxii ka dhacay duleedka Muqdisho oo askar badan lagu dilay (Faah-faahin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa la  xaqiijiyay in ay ku dhinteen kadib qarax ka dhacay meel u dhow Koontaroolka Siinka dheere ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya..

Dadka dhintay ayaa lagu kala sheegay afar askari, wadihii gaariga iyo qof shacab ah. Qarax ayaa ka dhacay Isbaaradii hore ee Shabeelle.

Gaariga qarxay ayaa lagu sheegay in uu ahaa qooqan ka baxday Muqdisho, kuna sii jeedday dhinaca degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qof ka mid ah Goobjoogayaasha degaanka ayaa sheegay Idaacadda Mustaqbal in qaraxa uu ahaa Miino la kacday gaariga oo ay wateen ciidamada.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya iyada oo saaka Ex-Koontarool Afgooye lagu dilay Ganacsade, dilkaasi oo ay sheegatay Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxan waxayna ku warrameen in in 5 askari ay ku dishay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this