Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo sheegtay “arrin uu ganacsade Cabdi Biifane ku lug lahaa” oo loo dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dilkii ganacsade si weyn loo yaqaan maanta loogu gaystay gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho, ayada oo sheegtay sababta ay u dileen.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabo Cabdi Cismaan Afrax oo loo yaqaano (Cabdi Biifane), ayaa kooxaha hubeysan ee dilay waxay ugu tageen gurigiisa oo ku yaala Ex. Koontarool Afgooye, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda dilkan, ayaa ku doodday in Cabdi Biifane uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta waaxda Canshuuraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sidaasna loo beegsaday.

Al-Shabaab waxa ay sheegtay in sarkaalka la dilay uu caan ka ahaa degmooyinka Dayniile iyo Hodon, isagoo ganacsatada ka qaadi jiray lacagaha Canshuurta eek u dhaca qasnadda dowladda.

Kooxihii dilay Cabdi Baafane ayaa waxay qaateen Gaari Prado ah oo uu watay, waxaana rasaasta ku dhaawacmay Gabar u dhalay oo albaabka taagneyd.

Ehelka Cabdi Biifane ayaa sheegay inuu ka ganacsan jiray dajinta noocyada kala duwan ee gaadiidka, mana jirto cid caddeyn karta inuu u shaqeynayey dowladda federaalka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this