Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha BF oo aqbalay mooshin xil ka qaadis oo ka dhan ah madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilaa hadda lama sheegin tirada rasmiga ah ee xildhibaanada gudbiyey mooshinka iyo sababta ay u cuskanayaan xil ka qaadista ay doonayaan inay ku sameeyaan madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxaa mooshin ka keeni kara 92 Xildhibaan oo ah saddex meel hal meel tirada guud ee xubnaha baarlamanka.

Si kastaba, mooshinka ayaa waxaa aqbalay guddoonla baarlamanka, sida ku cad warqad uu saxiixay xogahayaha hoogtada ee baarlamanka Cabdikariim Buux, oo la saaray shaabadda Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ee galka Xafiiska

Arrintan ayaa ka dhigeysa in sharci ahaan Mooshinka inuu maray habraaciisa.

Dhinaca kale, xog ana helnay ayaa sheegeysa in hadda shir arrintan ku saabsan uu u socdo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

warqadda.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this