Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaare geystay, kaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Garasbaaley.

Gaari ay la socdeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintey Saddex qof oo ay ka mid yihiin askar ka tirsan DFS, iyadoo Labo kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray halka qaraxan uu  ka dhacay, iyaga oo sameeyey howlgallo aan weli wax faah faahin ah laga bixin.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this