Deeq A. Posted December 9, 2018 Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaare geystay, kaasi oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Garasbaaley. Gaari ay la socdeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintey Saddex qof oo ay ka mid yihiin askar ka tirsan DFS, iyadoo Labo kale ay ku dhaawacmeen. Ciidamada dowladda ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, iyaga oo sameeyey howlgallo aan weli wax faah faahin ah laga bixin. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites