Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Koox Hubaysan Oo Dishay Ganacsade Gabdh Uu Dhalayna Dhaawacday.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho )Koox hubeysan ayaa Saakay waxaa ay Ganacsade ku dileen isgooska Ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho. Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Ganacsade soo dejiya Gawaadhida, waxaana lagu Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax (Cabdi Biifane)

526E4178-AE39-421D-864E-FEB0CAF0D719.jpe

Dadka Deegaanka ayaa Saxaafadda u Sheegay  in koox ku hubeysan bistoolad ay Ganacsadaha uga tageen hoygiisa oo ku yaalla meel u dhow Isgooska Ex-koontorool Afgooye , iyagoona kadib rasaas badan ku riday, waxaana la sheegaya  inuu Goobtii lagu toogtay  uu ku dhintay.

Sidoo kale Warar kale ayaa sheeagaya in kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen Gabadh uu dhalay Ninka la dilay, taas oo iyana  dhaawaca Gabadha la geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, iyadoo  halka uu dilka ka dhacay ay gaadheen  ciidamo ka tirsan Dowlada  Soomaaliya.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this