Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay DF u diiday qorshihii uu waday Haile Menkerios ugana mamnuucday dalka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay diiday in wakiilkii hore ee QM ee Midowga Afrika Haile Menkerios uu yimaado Soomaaliya, oo uu la kulmo madaxda dalka.

Haile Menkerios, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Eritrea, ayaa qorshihiisu ahaa inuu yabooho inuu dhex-dhexaadiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab.

Si kastaba, mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa waxaa codsi uga yimid madaxwenaha Eritrea Isaias Afwerki oo diidanaa in la qaabilo Haile Menkerios oo mucaarad xooggan ku ah dowladda Eritrea.

Inkasta oo Afwerki iyo Haile Menkerios ay iska dhinac dagaalameen dagaalkii xoreynta ee lala galay Ethiopia, kadibna Haile Menkerios uu noqday safiirkii Eritrea ee Itoobiya, kadibna QM, waxa ugu dambeyn isku dhacay labada nin.

Haile Menkerios ayaa hadda si dibad joog ahaan ah ugu nool Addis-Ababa.

Sidaas darteed, ayaa ayada oo la tix-gelinayo codsiga Afwerki, waxa ay dowladda Soomaaliya ka mamnuucday Haile Menkerios inuu cag soo dhigo Soomaaliya, si aan loo carqaladeyn xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Asmara iyo Mogadishu.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaki ka qabta in Haile Menkerios ay aqbali karto kooxda Al-Shabaab maadaama uu xiriir la leeyahay QM, oo Shabaab ay u aragto qeyb ka mid ah “cadowgeeda reer galbeedka.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this