Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu dilay rag ka tirsan Al Shabaab iyo kuwo nolosha lagu qabtay oo ka dhacay Hirshabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay weerar qorsheysan ka fuliyeen deegaankaasi.

Howlgalka ayaa ciidamada amaanka waxay ka sameeyeen deegaankaasi xalay xilli dambe, waxaana ujeedada ay aheyd in la ugaarsado xubno ka tirsan Al Shabaab oo xiligaasi shir uu kaga socday deegaanka Basra.

Howlgalka ayaa xalay si gaar ah kaga dhacay deegaanka Afyaraani oo ah deegaan uu ku hareereysan yahay Wabiga Shabeelle, balse leh hal meel oo laga bixi karo, waxaana ciidamada oo watay diyaarad gaar ah la sheegay inay u degteen deegaanka.

Howlgalka ayaa si gaar ah waxaa loogu bartilmaameydsaday hooy uu ka degenaa deegaanka guddoomiyaha Al Shabaab ee deegaanka Basra, waxaana howlgalka ku dhintay rag ka tirsan Al Shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa sheegay in howlgalka lagu doonayay ruux macagiisa ay ku koobeen Macalin Daahir oo ah horjoogaha Al Shabaab ee deegaanka.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al Shabaab lagu dilay weerarka kuwo kalana nolosha lagu qabtay, sida saraakiisha dowladda ay sheegeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xubnaha Al Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, waxaana walwal uu soo wajahay dadka deegaanka oo ka baqaya in Al Shabaab aargudasho ahaan ay u beegsadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Balcad
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this