Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ka danbeeyay  Guuldaradii & Fashilkii Xukumada Muuse Biixi ka raacay Shirkii Maalgashiga Somaliland ee Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Yaa ka danbeeyay  Guuldaradii & Fashilkii Xukumada Muuse Biixi ka raacay Shirkii Maalgashiga Somaliland ee Nairobi

morgan-300x225.jpg

 Shirkii maal-gashiga Somaliland ee Xukumada Somaliland ay 30-kii November ku qabatay hotel-ka Fairmont The Norfolk hotel ee magaalada Naiorbi, ayey guul-darro siyaasadeed iyo niyadjab kala noqotay.

Shirkan ayaa Xuukumada  Somaliland si aad ah u weyneysay, waxaana madaxweyne Muuse Biixi uu u diray afar wasiir oo oo kala ahaa Wasiirada,arrimaha dibedda, qorsheynta dhaqaalaha, gacansiga iyo macdanta. 

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka gacansiga Kenya Peter Munya, madaxweyne ku xigeenka William Ruto, iyo laba xldhibaan oo kale oo Kenyan ah ayaa ka maquurtay casuumad ay Somaliland u fidisay.

Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay diideen shirka,Iyagoo ka cabsi qabay in iskudhac diblomaasiyeed uu dhex-maro dowladda Somalia ee  Farmaajo hogaamiyo, oo hadda ay Dawlada Kenya ay aad isugu dhow yihiin.

Diidmada mas’uuliyiinta Kenya ee shirka Maalgelinta Somaliland ee Nairobi waxaa intaas dheeraa in dhamaan diblomaasiyiinta wadamada Caalamka u fadhiya Nairobi ay ka gaws adaygeen inay  shirka tagaan.

Waxaa sidoo kale meesha ka madhneyn khibrad la’aanta diblomaasiyadda caalamiga ah ee Xukumada Somaliland ay xaaladda uga sii dartay.

inkastoo Xukumada Somaliland  intaan shirku qabsoomin si aad ah u buunbuunisay ayaa markii shirka uu dhacay ka gaabsatay inay weyneyso In kastoo Warbaahinta Caalamiga & Ta maxalliga  aysan inta badan soo hadal qaadin Maxsuulkii ama Natiijadii shirka laga filaayey iyo siday wax u dhaceen

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this