Deeq A. Posted December 9, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxda sare ee dalka ayaa xalay kulamo gaar gaar ah ku yeeshay gudaha xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay u dhexeeyeen Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo kan labaad ee Golaha Shacabka. Wararka ayaa sheegaya in kulamadu ay ahaayeen kuwo xiriir ah oo looga hadlay go’aankii shalay ee guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu uga hor yimid kala diridii guddiga Maaliyadda ee Golahaasi. Sidoo kale kulamadii u dambeeyay ayaa waxa ay dhexmareen labada Guddoomiye ku xigeen iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaa ka horreeyay kulan wadajir ahaa oo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiye ku xigeenada dhex maray xalay fiidki hore. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulamada la’ iskula meel dhigay qorshe ka dhan ah go’aankii guddoomiye Mursal, iyadoo loo wajahayo qaabab kala duwan. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in uu jiray kulan dhexmaray guddoomiye BFS iyo labadiisa ku xigeen, iyadoo aanay kulamadaasi ka soo bixin wax natiijo ah, la’iskuna fahmi waayay. Waxaana guddoomiye ku xigeenadu ay ka soo horjeesteen go’aankii guddoomiyahooda uu dib ugu howlgaliyay guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka. Go’aankan guddoomiye Mursal ayaa ahaa mid la filaan ah, kadib markii shalay uu ku dhawaaqay in guddiga Maaliyadda BFS uu wadan karo shaqooyinkii loo igmday. The post Madaxda DFS Oo kulamo gaar gaar ah ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites