Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Golaha Aqalka Sare Oo M/ Kismaayo kula kulmay Bulshada rayidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh. M. Network)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Maamulka Jubbaland kula kulmay ururada bulshada rayidka ah.

Kullanka oo ka dhacay guriga martida Jubbaland ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ganacsato, Dhalinyaro, Haween Aqoonyahano iyo xubno ka socday Jaamacadaha magaalada Kismaayo,waxaana muhiimada kulanka uu ahaa in ururada Bulshada rayidka Jubbaland aragtidooda ku biiriyaan sida xal looga gaari karo khilaafka jira.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Jubbaland diyaar u tahay iney horseed ka noqoto nabada,Federaaleynta,dib u heshiisiinta iyo is cafinta.

Sidoo kale,Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay iney diyaar u yihiin iney qaataan tallooyinka guddoonka Aqalka sare,islamarkaana ay soo dhoweynayaan dadaalada lagu doonayo in la isugu soo dhoweeyo Dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Dowladda dhexe.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay wax keliya ay raadinayaan iney tahay saddex arrin oo kala ah nabad,midnimo iyo Heshiis.

Wuxuuna Maamulka Jubbaland uga mahad celiyay soo dhoweynta dadaalada Xubnaha Aqalka sare iyo kalsoonida ay ka qabaan sida xal looga gaari karo khilaafka jira.

The post Guddoomiye Golaha Aqalka Sare Oo M/ Kismaayo kula kulmay Bulshada rayidka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this