Sign in to follow this  
Deeq A.

Murashaxiin baaq udiray sii haya Madaxwaynaha KG

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Sh.M.Network) – Murashaxiinta maamulka Koonfur Galbeed oo war qoraal ah soo saarey ayaa sheegay in sii haya Madaxwaynaha ahna Afhayeenka Gollaha Wakiilada aanu sifo sharci ah ku joogin xafiiska.

Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, oo jagada madaxwaynaha haya tan iyo markii uu is-casilay Shariif Xasan, ayay sheegeen Murashaxiinta inuu mudada xileedkiisu ku ekyahay 8-da bishaan December.

Bayaanka ayaa lagu shaaciyay in wixii ka dambeeya taariikhdani uu maamul goboleedkaan cagaha la galayo khal-khal dastuuri ah, sida ay hadalka udhigeen.

Murashaxiinta oo kala ah; Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], Aadan Saransoor iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa ugu baaqay Gudoomiye Maye inuu xilka isaga dego ama uu Baarlamaanka horgeeyo qaar u ogolaanaya.

Sidoo kale, waxay soo jeediyeen in inta laga gaarayo doorashada ama laga dooranayo Madaxwayne cusub la sameeyo Golle loo dhan yahay, kaasi oo ka shaqeeya sidii ay udhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyntii, dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay faragelin ba’an ku hayso doorashadda ayay ugu ku tartarsiiyeen inay ka joojiso islamarkaana ay umadax banaaneyso Guddiga doorashada.

The post Murashaxiin baaq udiray sii haya Madaxwaynaha KG appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this