Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dhanqanka iyo hababka kala duwan ee guurka Somalida

Recommended Posts

Taariikha ahaan Bulashada soomaalidu meel kasta ha ku noolaatee siyaabo badan bay isu guursan jireen, waxa ka mid ah hababkaas:

 

 

Geed-fadhiisi {guur Xarrago}:-

 

Waa gabadha oo loo soo geed fadhiisto reerkoodana laga soo doonayo waalidkeedna si sharaf leh loo weydiistay, masuulkeedina si milgoleh u bixiyay.guurka qaabkan ahi waa ka ugu qiimaha iyo sharafta badan bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, wiilka iyo gabadhuna waa mid ay ku faanaan,

 

 

Masaafeysi:-

 

Guurka qaabkan ahi waamid ku yimaada wiilka iyo gabadha is rabay ooka cabsi qaba In la isu diido ama lagu xidho yarad aanu wiilku awoodi Karin waxa kale oo uu ku yimaada in gabadhu ka baqato in lasiiyo nin aaney rabin, marka wiilka iyo gabadhu isla tegaan oo isa soo mehersadaan kadib ayaa odayaasha wiilku u yimaadaan gabadha waalidkeed oo yaradkii iyo sooryaddii hore bulshada ugu jideysneyd oomarkan {masaafeysiga kadib}la yidhaahdo hibo bixiyaan iyagoo leh “gabadha noo hibee, wiilka iyo gabadhana isugu ducee”………

 

 

Dhabar-garaac:-

 

Guurka noocan ahi waa gabadha oo xoog lagu kaxaysto oo wiiilka oo ay weheliyaan ragg saaxiibadiis ama ehelkiisa ahi ay xoog ugu kaxaystaan, waxase ka horeeya inay ahaayeen labada qof, dad is raba balse gabadhu ay ku xidhay inanka in waalidkeed uu weydiisto taas oo wiilku ka cabsi qabo in la siin waayo inanta,ama lagu xidho duunyo aanu awoodi Karin, amaba gabadha oo nin kale la raboin la siiyo taas oo aanu wiilku kula loollamikarin xagga yaradka. Guurkana dhinac waxay iskaga mid yihiin midkii hore aynu u soo xusney ee masaafeysiga.

 

 

Xigsiisan:- “Xanaano -ubbad”

 

Kolka ninka xaaskiisu dhimato meeshana ubad jiro ayaa gabadha walaasheed ninka la siiyaa si ay u xanaanayso ubbadka walaasheed ka dhimatay ee habar-yarka u tahay, maxaa yeelay waa qofka ugu dhaw ee carruurtan rajada ah xanaaneyn karta, guurka qaabkan ahi waa mid dhinac bulshada waxtar weyn uga leh waxaana loo jideystay inaaney carruurtu dayacmin, qoyskii xididka ahaana aanu kala furmin, waayo gabadha ayaa ah duntii isu haysay labada qoys, soddoga iyo sodohduna waa isla kuwii carruurta waalidka u ahaa ,. Gabadh kasta oo la guursadaana xurmada yaradka iyo sooryada waa laga bixiyaa, aalaaba haddii ninku xumaa ama gabadhii hore uu xumeeyay lama siiyo gabadha danbe ee xigsiisanka ah,.

 

 

Dumaal:- “dayreel-ubbad

 

Guurka noocan ah waxay ood-wadaag yihiin ka aynu kor ku xusney ee xigsiisanka, wuxuu yimaadaa gabadah/oorida oo saygeedu ka dhintay oo walaalkii ka dib guursado, waa isla sidii hore oo waxaa la rabaa in ninkani xanaaneeyo carruurta uu adeerka u yahay, labadii reer ee xididka ahaana siiahaadaan xiddidkoodii, haddii ninka wax dumaalayaa yahay nin xun waxa haweenayda lasoo gudboonaada dhibaato iyo in ay diido ninka, sidaasna carruurta iyo maalkaba lagala wareego oo reerkii ay u dhaxday xumaani dhexmarto, kolkaasna xanaanadii iyo daryeelkii carruurtu gacanta u gasho nin aan xaaladooda xog-ogaal u ahayn,.

 

 

Godob-reeb:-

 

Guurkani waa mid biyo-dhiciisu yahay nabadeyn waxaana looga danleeyahay arrimaha ammaanka waxaaney ku imaan jirtey nin godob laga galay in gabadh lasiiyo sida guurka magaciisa ka muuqata,laguna ilawsiiyo goddobtii laga galay,. Waxaa la yidhi Meel xinjir ku daadatay Xab-baa lagu bururiyaa, guurkani maaha mid inta badan caan ah ama marmar ayuu dhacaa hadana xilkii iyo xurmadii waa halkoodii,…..

 

 

Heerin:-

 

Kolka hablaha soomaaliyeed gaadhaan da’da guurmeerka isla markaana da’doodu intii dhalinyaranimo badhtankakaga jiraan, filkooduna aqalo yeeshaan sidoo kale deegaanka ay ku nool yihiin guur uga hirgeliwaayo ayay u heermi{socod guur looga danleeyahay} jireen deegaamada kale ee ku hareeraysan si calafku bal gayaankooda u siiyo, iyadoo dhaqanku jideeyay mar hadii gabadh heerin ahi cid us oo gasho ay ahayd in laguursado oo reerka ay u gashay aan la oggoleyn inay dhaafto sida ku cad sheeko xariirada gabdhaha heerinka ah ee saddexda ahaa, haddana xurmadii gabadhi lahayd waa sidii ,.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this