Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:-Heshiis is Afgarad ah Oo laga gaaray colaadii G/ Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood ( Sh. M. Network )-Guddi ka kooban Odayaal iyo Siyaasiyiin ayaa qodobo ka soo saaray xiisada Beeleedii ka taagneyd deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Warqad ay soo saareen xubnaha guddiga ayaa ugu horreyn Ergooyinka 2 Beelood loogu baaqay in ay abuuran jawi Nabadeed oo keeni kara is dhexgalka bulshada walaalaha ah.

Sidoo kale guddigu waxa soo saaray go’aamo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa colaadaasi, iyagoona isla gartay in dhimashada 169-ka Qof laga dul qaado labada Beelood, islamarkaana qof kasta oo ka mid ah dadkaasi Rag iyo Dumar laga bixiyo min 15 kun oo doolar oo samirsiin ah, una dhiganta 50 halaad.

Guddiga ayaa intaasi kud aray in magta 169-ka Qof lagu bixin doono 12 bilood gudahood oo ka bilaabaneysa bishan December ee 2018 illaa 6-da bisha December-ee 2019-ka.

Halkan hoose ka Akhriso:-

48359729_500342090374807_816121103811765

The post Akhriso:-Heshiis is Afgarad ah Oo laga gaaray colaadii G/ Sool appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this