Deeq A. Posted December 8, 2018 Nairobi ( Sh. M. Network )-Kadib kulan ku dhexmaray magaalada Nairobi ee xarunta Kenya Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta iyo kaaliyaha Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ee Africa Tibor Nagy ayey kaga wada hadleen arrimo dhowr oo ay ka mid tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Mdaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Mareykanka iyo Kenya ay haatan ay wajahayaan caqabado isku mida ah, islamarkaana ay iska kaashanayaan, sidiii loo wiiqi lahaaa awooda iyo qatarta Al Shabaab ee gobolka. Sidoo kale kaaliyaha Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ee Africa Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaaasi Monica Jama oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka laba dal. Mr Tibor ayaa booqashadiisa Nairobi kaga sii talabi doona dalalka Eriteria iyo Jabuuti, ka hor inta uusan u duulin dalka Germalka, halkaasi oo uu kula kulmi doono taliyaha howlgalka Mareykanka ee Africa General Thomas Waldhauser. Mareykanka ayaa ku gacan siiya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab, isagoona kordhiyay duqeynta uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya. The post Mareykanka iyo Kenya Oo xoojinaya dagaalka Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites