Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/Banaadir iyo Dhalinyarada Oo iska kaashanaya Amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-C/kaafi Maxamuud Makaraan guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha degmooyinka ee gobolka Banaadir.

Degmooyinka uu kormeeray guddoomiyaha Dhalinyarada gobolka Banaadir ayaa waxaa ka mid ah Kaxda, Dharkenley, Wadajir, Shibis iyo kuwa kale.

Ujeedka booqashada guddoomiye Makaraan ayaa ahaa mid la xariirta sidii Dhalinyarada Muqdisho ay uga qeyb qaadan lahaayeen waxqabadka maamullada degmooyinka iyo sugida ammaanka.

Sidoo kale waxa intaasi ku daray in Dhalinyaradu door weyn ay ka qaadanayaan barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumihii danta guud ee dalka.

Dhinaca kale guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa carabka ku dhuftay in in ka badan 180 Dhalinyaro ah loo sameeyay fursado gaar ah oo lagu barayay xirfado kala duwan.

Waxaana uu tilmaamay in Dhalinyaradaasi si siman looga soo kala xulay degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale Dhalinyarada laga wacyi galiyay waxa loogu yeero argagixisada, maadaama loo adeegsasan karo dhinaca xun iyo dhinaca wanaagsan intaba.

The post Maamulka G/Banaadir iyo Dhalinyarada Oo iska kaashanaya Amniga Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this