Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Guddoomiye Mursal Oo qaabilay Safiirka UK Ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar,waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarka Dowladnimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Madaxtinimo ee dhawaan ka qabsoomi doona Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha golaha shacabka uga mahad celiyay wada shaqeynta dhow ee ay leeyihiin iyo sida ay uga go’antahay horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

unnamed-3.jpg unnamed-1-1.jpg unnamed-2-1.jpg

 

The post Sawirro:-Guddoomiye Mursal Oo qaabilay Safiirka UK Ee Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this