Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha Ismaaciil C. Geelle iyo Cumar Al Bashiir u tageen Addis Ababa oo la Shaaciyay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia  gaaray madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Jabuuti, kadib casuumad ay ka heleen ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed Cali.

Ujeedada socdaalka labada madaxweyne ay u tageen magaalada Addis Ababa ayaa ah inay ka qeyb galaan xarig ka jarista garoon loo dhisay qaab casri ah oo laga hergeliyay magaalada Jima ee gobolka Oromia ee dalka Ethiopia.

Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka qeyb gali doonaan munaasabadaasi ka dhacaysa magaalada Jima ee dalka Ethiopia.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa waday isbeddel gudaha iyo dibadda ah oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha la xiriiray, waxaana la filayaa in labada masuul uu kala hadli ka mid ahaanshaha isbadalka geeska.

Dadka falanqeeya siyaasadda geeska Afrika ayaa u arkayay Isbaheysigan oo ay ka maqanyihiin Jabuuti iyo Sudan in uu gaabis yahay sidaas darteedna waxaa ay u badantahay in Abiy uu kala hadlo labada masuul ka qeyb ahaanshaha isbadalka socdo.

1-22.jpg 2-19.jpg 4-17.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this