Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xaaf iyo Shaakir oo isku qabtay arin cajiib ah iyo Khilaaf ka taagan Dhuusomareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo madaxa xukuumadda.

Khilaafka u dhaxeeya Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheikh Maxamed Shaakir Cali ayaa ku saleysan doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo la doonayay in lagu qabto magaalada Dhuusomareeb.

Wararka ayaa sheegaya in madaxa Xukuumadda oo ka hor yimid in doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug lagu qabto Dhuusomareeb haddii aan la dooraneyn madaxweyne ku xigeen Ahlu sunna taageersan.

Xaaf ayaa dhankiisa wata madaxweyne ku xigeen la dhacsan siyaasadiisa, waana tan keentay in khilaafkaan cusub uu soo kala dhex galo madaxda maamulka Galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb.

Khilaafkooda ayaa soo jiitamayay tan iyo markii madaxweyne ku xigeenka Galmudug xilka ay ka qaadeen xildhibaanada ku sugan magaalada Dhuusomareeb, balse wuxuu xoogeystay markii la gaaray xiliga doorashada.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa qorshaha uu ahaa in doorashada madaxweyne ku xigeenka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa dadaal dheer ku bixinaaya in uu Ahlu-suna uu ku qanciyo in shaqsiga uu wato uu madaxweyne ku xigeen u noqdo balse ahlu-suna ayaa ka biyo diidan rabitaanka Xaaf.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this