Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha aqalka sare oo sheegay arin mudan in lagu amaano A/ Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online)-Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maalmahaan ku sugan magaalada Kismaayo ayaa kulan la qaatay labada golle ee maamulka Jubbaland.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ku amaanay hogaanka maamulka Jubbaland sida ay amaan la isku haleyn kara kaga dhigeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay in mudada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo inuu dareemay kala dambeyn iyo amaan la isku haleyn karo oo ka jira magaalada Kismaayo, isaga oo ugu baaqay inay sii adkeeyaan amaanka magaalada.

“Waxaan ku faraxsannahay nabad-galyada taalla Kismaayo, waa mid la isku haleyn karo, waana ku amaanayaa dadkii ka shaqeeyay, shirkii halkaan ka dhacay wixii kasoo baxay wuxuu inaan ogaanno bal maxaa jira oo tabashadu tahay oo dowlad goboleedyadu ay tabanayaan oo jira” ayuu yiri guddoomiyaha aqalka sare.

Ciidamada Jubbaland ayuu sheegay inay doorweyn ka ciyaareen xaqiijinta amaanka magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay in loo baahan yahay inay sii adkeeyaan amaanka Kismaayo.

Cabdi Xaashi ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo wuxuu kulamo la qaatay madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenkiisa, labada golle ee Jubbaland iyo ururada bulshada rayidka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this