Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Galmudug Oo howgallo ka sameeyay Dhuusomareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyay magaaada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga fuliyay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.

Ku dhaawaad 25 Qof oo u badnaa Dhalinyaro ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay howlgalladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi.

Xiriiro aan la sameynay saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan baaritaanadaasi.

Balse waxa ay sheegeen in ay shaacin doonaa natiijada marka uu soo gabagaboobaan howlgalladaasi.

Maalmihii la soo dhaafay Galmudug ayaa xoojineysa ammaanka Dhuusomareeb, si looga hortago falal ammaan dari oo ka dhaca gudaha magaaladaasi.

The post Ciidamada Galmudug Oo howgallo ka sameeyay Dhuusomareeb appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this