Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiirka Shabaab oo howl-gal halis badan ka billaabay kooxdooda dhexdeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa billowday in si shaacan iyo si qarsoodi ahba ay disho xubno badan oo kooxda ka mid ah, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah oo nasoo gaaraya.

Duqeymaha Mareykanka uu kooxdan la beegsanayo oo bilihii dhowaa aad u kordhay ayaa la rumeysan yahay in kooxda ay ku qasbeen in dhex-deeda iska shakiso, sababtoo ah inta badan duqeymaha ayaa ahaa kuwa xubno ka tirsan kooxda lala helay.

Xubnaha duqeymaha lala beegsaday balse ka bad-baaday ayaa waxaa ka mid ah afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab oo bishii September lagu beegsaday deegaanka Saakow.

Duqeymahan oo boqolaal maleeshiyo kooxda looga dilay ayaa la rumeysan yahay in lagu fuliyo xogta xubno ku dhex-jira kooxda oo la shaqeeya sirdoonka Mareykanka iyo Britain.

Ayada oo taas laga duulayo, ayaa Al-Shabaab waxa ay billowday howl-gal looga magac-daray “ka hor-tagga jaajuusiinta”, oo hogaamiyaha kooxda Axmed Diiriye uu ku beegsanayo xubno ka tirsan kooxda.

Weerarada Mareykanka ayaa wiiqay awooddii ay kooxda ay isku abaabuli lahayd kuna qorsheyn lahayd qaraxyada ay la beegsato goobaha dowladda iyo dadweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this