Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo 3 qorshe u dejisay in Roobow uusan doorashada K/Galbeed ka qeyb galin

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Saddex goor ayaa dib loo dhigay doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ay u muuqata in mar afaraad sidoo kale la hakin doono.

Dib u dhaca doorashada ayaa loo sababeynayaa in xukuumadda federaalka ay garwaaqsatay in Roobow uu yahay ninka ugu cad-cad doorashada una badan tahay inuu ku guuleysto, haddii si caddaalad ah loo tartamo, sida uu sheegay Rashiid Cabdi oo ah agaasimaha mashruuca Geeska Afrika, ee ururka xalinta xasaradaha caalamiga ah ee ICG.

Qorshaha dowladda federaalka ayaa ah in saddex hab ay uga hortagto Roobow. Tan koowaad ayaa ah in xaalad deganaansho la’aan laga abuuro Baydhaba, tan labaad Soomaalida iyo dalalka gobolkaba lagu beero cabsi ka dhan ah Roobow oo ah inuu yahay nin halis ah, iyo tan saddexaad oo ah caqabado dhinaca sharciga ah la hor dhigo.

Qodobka ugu dambeeya ayaa muhiim ah sababtoo ah Roobow ma uusan marin barnaamijka lagu baaro hogaamiyayaasha kasoo goosa Al-Shabaab ee lagu dhaqan celiyo. Tani waa mid Roobow loo adeegsan karo.

Cabsida ku aadan Roobow ayaa hadda lagu baahinayaa Bariga Afrika. Ethiopia waa dalka sida aadka ah u diidan Roobow, halka Kenya aysan weli go’aan ka gaarin.

Sida Rashiid Cabdi uu sheegay damaca lagu hor-istaagayo Roobow wax ay doontaba ha qaadatee waa mid aan laga fiirsan. Inkasta oo Salafinimada Roobow ay tahay dhibaato, haddana xubno badan oo dowladda ka tirsan ayaa sidaas oo kale ah.

Ayada oo mintidiinta Soomaaliya ay inta badan si been ah u muujiyaan in dalka ay ku loolamayaan Islaamiyiinta iyo Calmaaniyiinta ayaa xanibaad lagu sameeyo Roobow waxay tusmeyn doonta in mar kale maamul islaami ah la diiday, taasi oo abuuri doonto xagjiriin cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this