Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo wacad ku maray inay aargudan doonaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Gen. Daahir Aadan Cali (Indha Qarshe) ayaa si adag u sheegay inay ka aar gudan Mintidiinta Al-Shabaab weerarkii shalay ay ku dileen saraakiil ka tirsaneyd qeybta 12-ka April.

Hadalkan wuxuu ka sheegay Masjid salaada Janaasada lagula tukanayay Allaha unaxariistee Taliyihii 12-ka April, Abaanduulihiisa iyo ciidankii la socday, waxaan salaada Janaasada goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wuxuu sheegay Shabaab markii looga adkaaday dagaalka tooska ah inay bilaabeen inay qaraxyo geliyaan wadooyinka ay isticmaalaan ciidamada iyo shacabka.

Gen. Indha Qarshe ayaa sidoo kale dhalinyarada Shabaab ka tirsan ugu baaqay inay isaga baxaan Ururkaasi, islamarkaana ku soo biiraan dowladda hadii kale ay qaban doonto gacanta ciidamada xoogga dalka.

“Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlaya magaca ciidanka xoogga dalka iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum General Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum General Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey, waxaan balan qaadayaa inaan nimankan cadowga ah aan ka aargudan doono”. ayuu yiri S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa sheegay in geerida saraakiishani aysan niyad jabin doonin ciidanka xoogga dalka, isagoona tilmaamay mar waliba ciidanka xoogga dalka ay sii wadi doonaan hawlgalka dalka looga xureynayo Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay qaraxyada miinooyinka ee ay ku aasayaan wadooyinka, islamarkaana la eegtaan ciidanka dowladda tan iyo markii Mareykanka uu laba jibaaray duqeymaha uu ka geysanayo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this