Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya Waa Go.aan Hor Leh Oo Beesha Caalamku Wadato Intaan Ka Warhayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya Waa Go.aan Hor Leh Oo Beesha Caalamku Wadato Intaan Ka Warhayo

M/weyne Farmaajo Ma Rabin Wadahadal Warkiistoona Halka M/weyne Muuse Biixi Doonayey Todobaadkan Inuu Si Rasmiga G/Wasiirada U Hordhigo Joojinta Wadahadalkii Somaliya Kala Dhexeeyey Laakiin Waxa Yimi Go.aan Cusub Oo Dunidu Riixayso Kaas Oo Farmaajo na Hogaan Soo Sudhay Muuse Halkuu Ku Socday Ka Joojiyey

Go.aanka Wadahadalka Sidaan u Arko iyo Wax La Laysla Soo Horfadhiisan Doono Dabcan

Dawlada Federaalka Somaliya Waxay Miiska La Iman Doontaa Waxeedii Ay Akhriyi Jirtay Ee Ahaa Midnimada Somaliya Waa Muqadis iyo Somali Oo Dhan Ayaa Is Dishay

Dawlada Somaliland Waxay Miiska La Iman Doontaa Warkeedii Cadaa Ee ahaa Qaranimada iyo Gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland Waa Muqadis La Taabtaan Ah

Halkaas Markay Gaadho Beesha Caalamku Doorkeeda Ayey Qaadan.Doonta Waxay Go.aan Dhex ah Ku Odhan Doontaa Shacabka Somaliland Ku Nool Afti Hala Waydiiyo Go.aankaas Marka Ergada Dhexdhexaadinta Dunidu Rido Waxay Beesha Caalamku Odhan Doonta Ka Heshiiya Waqtiga Munaasibka Ee Aad Aftida La Qaban Karo Mar Labaad Waxa Fooda Gelindoona Labada Ergo Ee Somaliland iyo Somaliya

Ergada Somaliya Waxay Soo Jeedin Doonaan Toban Sano Kadib In La Qabto Aftida Ee Laga Qaadidoono Shacabka Dhulka Somaliland Ku Dhaqan Halkaas Ayey Ku Adkaysayn Doonaan 10 Sano

Ergada Somaliland Ayaa iyagu Soo Jeedin Doona in Aftida La Qabto 5 Sano Kadib Halkaas Ayaa Laysu Mari Waayi Doona Mar Labaad Ayaa Ergada Beesha Caalamka Ayaa Arinka Dib ULa Wareegi Doona Arinta Mudaynta Aftida Kuwaas Labada Ergo Meel Dhexe Isu Keeni Doona Soo Jeedintooda Waxayna Soo Saari Doonaan Go.aan Dhexe Oo ah in Afti Laga Qaado Shacabka Somaliland Oo La Qabto Mudo 6 Sano Ama 7 Sano Guddahood ah

Halkaas Ayaa Arinka Wadahadaladu Ku Ururi Doonaan Xog Kooban iyo Aragtidayda Kooban

Wadahadaladani Ma Noqon.Doonaan Sidii Shirarkii Turkiga Ee Sheeko Xariirada ahaa Ee Labada Cisho Lagu Kala Kici jiray Waa Laysku Raagi Doona Todobaado iyo Bilo Ba Waana Lays Jafi Doonaa Laakiin Aakhirka Waxaa Kasoo Bixi Go.aan Kama Dambays Ah Oo Duniduna Hirgelintiisa Gacanta Ku Hayso

Hawshan Waxa Beesha Caalamka Ku Meteli Doona

U.S Ambassador Of Somalia Donald Yamamato

U.N Repersentive Of Somalia Nicolas Haysom

E.U. Ambassador Of Somalia Veronique Lorenzo

IGAD General Secretary Amb Cali Guye

Martigeliye M/weyne Ismaaciil.Cumar Gelle

Beesha Caalamka Dulqaadkii Muranka Labada Qaybood Wuu Kasoo Dhamaaday
Waxana Lagu Kala Bixi Doona 51% Per cent Doonista Shacabka

 

C/qani Ismaaciil Maxamed (Foodcadde)

 

Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani maha kuwo ay leedahay shabakadani xuquuqda qoraalka waxa iska leh qoraha ku xusan

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this