Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkani ka akhriso qodobadii ka soo baxay shirkii lagu dhex dhaxaadinaayay beelahii ku diriray koonfurta Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood .

2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad , qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad.

3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool ,waxaana bixinaya labada beelood dhexdeeda mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed.

4: Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya .

5: Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxey in ay bixiso 200 oo Halaad iyo 48,000 $ oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood .

6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood .

6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) .

7: In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this