Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al Shabaab Oo lagu qabtay Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye ( Sh. M. Network )-Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Sabiib-caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose.

NISA ayaa shaacisay in howlgalkan uu ka dhacay xafiiska xisbada Al Shabaab ee deegaankaasi, iyadoona sheegtay in lagu soo qabtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab, walxaha qarxa iyo Saanad Ciidan.

“Howlgal qorsheysan oo Ciidanka amnigu xalay ka fuliyay xafiiska xizbada Al Shabaab ee Sabiid Caanoole ayaa lagu soo qabtay labo xubnood oo Al Shabaab ah, walxaha qarxa iyo Saanad, muhiimadda koowaad ee Ciidanka amniga waa ka hortaga Al Shabab iyo badbaadinta shacabka”. ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda K/ Soomaaliya.

The post Xubno ka tirsan Al Shabaab Oo lagu qabtay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this