Deeq A. Posted December 7, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dadka Xoolaleyda ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya Qatar soo food saartay Xoolohooda. Dadkani oo la hadlay Shabelle, islamarkaana isugu jiray Waayeel iyo Hooyooyin tabaalaysan ayaa sheegay in ay u hoggaan sameen awaamiir uu dhawan soo saaray maamulka gobolka Banaadir , balse waxa ay tilmaameen in hadda Xoolahooda laga kaxaysto Guryahooda iyo Xeryaha ay ku Xanaaneystaan. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay u adeegsadeen awoodii la rabay in Shacabka lagu difaaco arrintaas oo ay ku tilmaameen nasiib dardo. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo faragaliyaan arrintaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro-Xoolaleyda Gobolka Banaadir Oo Cabanaya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites