Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro-Xoolaleyda Gobolka Banaadir Oo Cabanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah dadka  Xoolaleyda ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya Qatar soo food saartay Xoolohooda.

Dadkani oo la hadlay Shabelle, islamarkaana isugu jiray Waayeel iyo Hooyooyin tabaalaysan ayaa sheegay in ay u hoggaan sameen awaamiir uu dhawan soo saaray maamulka gobolka Banaadir , balse waxa ay tilmaameen in hadda Xoolahooda laga kaxaysto Guryahooda iyo Xeryaha ay ku Xanaaneystaan.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay u adeegsadeen awoodii la rabay in Shacabka lagu difaaco arrintaas oo ay ku tilmaameen nasiib dardo.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo faragaliyaan arrintaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

DSC_0030.jpg DSC_0023.jpg DSC_0026.jpg DSC_0028.jpg

The post Sawirro-Xoolaleyda Gobolka Banaadir Oo Cabanaya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this