Sign in to follow this  
Deeq A.

Uganda Oo Ciidamo hor leh u soo direysa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala ( Sh. M. Network )-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Ciidamo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ay dhawaan u soo diri doonto Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil sare oo ka tirsan Milateriga dalkaasi

Taliyaha Ciidamada Milateriga ee dalka Uganda Gen David Muhoozi ayaa waxaa Ciidamadaasi cusub uu ugu baaqay in ay ka feejignaadaan weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Gen Muhoozi oo ka hadlayay Dugsi Tababar oo ku yaala dalkaasi ayaa Ciidamada u sheegay in haddii aysan qaadin talaabooyin dheeraad ah ay halis u noqon karaan weerarada gaadmada ah ee Al Shabaab.

Ciidamadaasi ka tirsan Uganda ayaa lagu wadaa in ay bedalaan Ciidamo hore u joogay Soomaaliya oo dhameystay waajibaadkoodi shaqo, kuwaas oo  dib ugu laabanaya dalkooda.

Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo ah kuwa ugu badan ee howlgalka AMISOM ayaa waxaa weeraro xoogan ay kala kulmaan Xarakada Al shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

The post Uganda Oo Ciidamo hor leh u soo direysa Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this