Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa DFS Oo tababar loogu soo xiray Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,Sarreeye Gaas, Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga Dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.

Tababarkan oo soconayay muddo Saddex Bil ah, ayay Ciidanku ku qaadanayeen Dugsiga tababarka Booliska Dalka Jabuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista fal dembiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha.

Xafladdii lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jabuuti ,Wasiiru Dowladaha wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada difaaca ee Dalka Jabuuti Gen, Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti , Col,Cabdillahi Cabdi Faarax, iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ,ayaa ammaan ballaaran u jeediyay Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Col, Cabdillaahi Cabdi Farax , Taliyaha Ciidamada Difaaca Jabuuti iyo madaxda Dalkaasi. Isagoo ugu mahad celiyay doorka Walaaltinimada leh ee ay ka qaateen soo celinta tayada Ciidanka Soomaaliyeed iyo soo kabashada Qarannimada.

Wuxuu sidoo kale amaan u jeediyey Taliyuhu , Ciidamada Booliska Somaliyeed ee tababarka ku qaatay Jabuuti, isagoo kula dardaarmay inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda Qaran ee ka saaran Dalkooda iyo Dadkooda.

Taliyaha Ciidanka Dalka Jabuuti, ayaa isaguna bogaadin u  jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/gaaas ,Bashiir Cabdi Maxamed , dedaalka iyo hiigsiga uu ku doonayo inuu Booliska Soomaaliyeed gaaro meel sare.

Dowladda Jabuuti ee aan Walaalaha nahay ayaa door lama illaawaan ah kaga jirta tababarrada iyo dib usoo kabashada Ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale kaalin fir-fircoon ka qaadata xoojinta Qaranka Soomaaliyeed iyo dhismaha hay’adahiisa Dowliga ah.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

FB_IMG_1544132246252-1.jpg FB_IMG_1544132238163-2.jpg FB_IMG_1544132220387-1.jpg FB_IMG_1544132204923-1.jpg FB_IMG_1544132201882-1.jpg FB_IMG_1544132266447-1.jpg

The post Ciidamo ka tirsan kuwa DFS Oo tababar loogu soo xiray Jabuuti appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this