Deeq A. Posted December 7, 2018 Kismaayo (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa wuxuu soo dhaweeyay dadaalada Aqalka sare ee ku aadan xal u helista khilaafka dowlada iyo maamuladda. Hadalkaan ayuu Axmed Madoobe ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweeyay wafdi ka socday Aqalka Sare oo uu horkacayay Gudoomiye Cabdi Xaashi, oo shalay gaarey magaalada Kismaayo. Madaxwaynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in lasoo afjaro khilaafka, islamarkaana Aqalka Sare uu ku guuleysto waan-waanta uu wado. Lama oga hadii uu gudoomiyaha Aqalka Sare uu ku guuleysan karo xalinta khilaafkaan kaasi oo ay horey ugu fashilmeen Guddigii uu usaarey Gollaha ee ka koobnaa Tobbanka xubnood ee loo diray degaanada maamulada. The post Jubbaland oo soo dhaweysay dadaalada Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites