Sign in to follow this  
Deeq A.

Garyaqaanka G ee Puntland oo war ka soo saaray magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garyaqaanka guud ee dowladda Puntland,Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa caddeeyay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uusan awood u lahayn magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub.

Qaraal Jimcaha maanta ah ka soo baxay xafiiska Garyaqaanka guud oo laga tixraacay Dastuurka Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu leeyahay awoodda magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,isagoo la tashanaya ku xigeenkiisa.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu caddeeyay in madaxweyne ku xigeenku uusan awood u lahayn magacaabista guddigaasi,haddii uusan u wakiilan madaxweynuhu,ama uusan dalka ka maqneyn.

FB_IMG_1544165264405.jpg?resize=720%2C99

FB_IMG_1544165430587.jpg?resize=720%2C99

PUNTLAND POST

The post Garyaqaanka G ee Puntland oo war ka soo saaray magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this