Deeq A. Posted December 7, 2018 Waqtigan aan joogno dalka Soomaaliya waxaa moodaa in laga maarmay hal-beeg sax iyo khalad ahaa, waana KHATAR! KHatar, aad u weyn oo dhaawac ku ah jiritaanka dhaqanka, xeerarka nolosha iyo cahdiga (dastuurka) dadku dhigto salkeeduna yahay burbur hor leh oo halis ku ah jiritaanka qaranimo ee Soomaaliya! Ma aha mid qarsoon in madadx-weynaha dowladda federal-ka Max’ed Farmaajo iyo r’iisal wazaaraha Xasan KHayre ay labaduba ku shaqayniyaan xeer ka baxasan xayndaabka dastuurka Soomaaliyeed, waana nasiib daro weyn oo soo noqnoqonaysay mudooyinkaan dambe ilaa xilligii Xasan SHiikh Max’ud, waxaana muuqata in nin kasta u doonayo inuu dadka iyo dalka ku maamulo madaxiisa, waxaadna moodaa inay hilmaansanyihiin ama aysan garanba in dastuurka iyo qaynuunka ummad leedahay ujeeddadiisa u weyn ay tahay in laga gaashaanto in qofka mas’uliyadda loo dhiibayo uu madaxiisa iyo siday qof ahaan la tahay ku maamulo dalka iyo ummaddu. Waxaan aad ugu faraxsanaa in Max’ed Cusmaan Jawaari laga qaado Af-hayeenimmadii barlamanka, run ahaantiina waxay ahayd tallaabo aad loogu baahnaa, hasa yeeshee sida hadda muuqata arrintu ma ahayn in wax laga qabto ama wax laga bedelo ku tumashadii dastuurka iyo musuqmaasuqii hareeyay golaha shacabka xilligii Jawaari, Waxayana arrinta hadaa maraysaa Ka Daroo Dibi Dhal!…. KHayre iyo Farmaajo waxay la noqotay inay keensadaan Af-Hayeen waxay iyagu rabaan qaynuunka dalka ka dhiga, sida muuqatana arrintaas waxba ugama suuro gelin aan ahayn inay xiisad siyaasadeed oo hor leh ay dalka geliyeen, waxaana arrin lala yaabo ah in madaxda dowladda ay waxaas oo dhan ugu qiimaysanyihiin guulo siyaasadeed oo ay gaareen. Sida hadda muuqata dowladda waxay siyaasad ka dhigatay mu’aamaraad in loo mareego hadba meeshii ay dan ka yeelato sidii ay tahay dowlad shisheeye oo aan dalka lahayn!…Waa qaabkii ay u adeegsatay Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad, waa qaabkii ay u adeegsatay SHariif Xasan SHiikh Aadan, uma jeedo inaan taageersannahay siyaasaddii nimankaas, laakiin giddigood waxaa xilka looga qaaday qaab khayaano, wax is-daba marin, dad isku diris ah iyo musuqmaasuq aan waxba loo aabo yeelayn! Ilaa iyo hadda Gal-Mudug waa degi la’dahay, kaaga daranee mar walba waa heshiinayaan hadana waa la dhex gelayaa!… Waa qaab dhagar iyo khayaano ah! Waana qaabka ay hadda Farmaajo iyo KHeyre ku kala direen Guddigii Maaliyadda ee Golaha SHacabka. Dowladda waxay u timid maamulo goboleedo ku dhisan oo ku taagan qodob sharci ah, qodob dastuuri ah, qodob ummadda ku heshiisay oo laysku raacay si ku-meel- gaar ah, walina sugayay in dadka Soomaaliyeed u codeeyaan, dowladdu meeshii ay ka shaqayn lahayd inay dardar geliso sidii loo suuro gelin lahaa in loo codeeyo dastuurka iyo nidaamka federalism-ka waxay hawsheedii ka bilowday inay dagaal aan la sugayn oo siyaasadeed dalkii geliso, Cabdi-Xakiim Cabdullaahi Cameey, siyaasadda uu hadda la dhex joogo Puntland waa qayb ka mid ah siyaasadahaas. Waqtigan la joogo Xukuumadda Federal-ka maxay ka wadaa magaallada Baydhabo?! Ciidamo aan ujeeddadooda la cadayn bay xukuumaddu geysay, maamulka Koonfur Galbeedna uusan codsan keenistooda, SHiikh Mukhtaar Roobow bay xukumadda federal-ka is hor taagtay inuu madaxnimmada maamulkaas u tartamo iyadoo aan sheegayn sababta! Al-SHabaab inuu ahaa waa lagu ogaa, waa lala heshiiyay, waliba cafis baa loo fidiyay, maxaa cusub oo is bedelay? Dagaal-Oogayaashii, burburka dalka maanta ka jira u sababta ahaa baa xil-dhibaano noqday, oo waziiro noqday, maxay iyaga iyo Roobow ku kala duwanyihiin? isagaaba cafis loo fidiyay. Cameey muddo dheer buu wuxuu ku sugnaa hotel ku yaala magaallada Muqdisho isagoo soo cidleeyay xafiiskiisii iyadoo aan la sheegin sababaha uu u joogay halkaas, hasa yeeshee waxaa jiray warar soo baxayay oo kala duwan laakiin ku midaysnaa inuu marti Sharaf u ahaa madax-weynaha iyo ra’iisal wazaarha isla markaasna ay isla meel dhigeen talooyin ku aaddan siday suuro gal u noqon lahayd in doorashada Puntland ee soo socota madaxda imaanaysa ay noqdaan kuwo iyaga ay keeneen isagana (Cameey) uu noqdo marinkii lagu gaari lahaa taas! Hadalkaas horay u soo baxay iyo dhaqanka uu Cabdi-Xakiim Cameey kala yimid Muqdisho waxaan shaki ku jirin inay is macnayniyaan, Cameey, markii hore wuxuu ka bilaabay ama uu taagnaa inaysan jirin wax maamul goboleed la yiraahdo, waxa jirana ay yihiin “Harraadi” sida uu hadalka u yiri, hasa ahaatee hadda waxay maraysaa inuu harraadigii ku qabsado guddiyadii khilaafaadka doorashada, tallaabadan cusub ee ku qabsashada ah waxaad moodaa inuu u arkay marin gaaban oo ka bilaabi karayo qorshaha barnaamijkii uu kala yimid Muqdisho, laakin wuxuusan garan in maamulka Puntland, iyo maamul gobleeddada kalaba dastuuri yihiin oo waliba uu isaguna sidaas madax ku ahaa, wuxuna sida muqata u soo bowdyo qaawistay inuu dumiyo maamul ummadda Soomaaliyeed leedahay oo isaga ammaano ku ahaa, oo u soo bareeray inuu hagardaameeyo. Itoobiya ayaa ka dambaysa qorshaha duminta M/Goboleeddada! Guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay ka shaqeeyaan sidii ay horay uga socon lahaayeen meesha ay maanta soo gaareen. Maamul goboleedada, hankii loo qabay kama muuqdo, siiba Puntland oo ay shantii sano oo u dambaysay ay ku habsatay balaayo aan horay u soo marin nooceeda. Maamul-goboleeddadu waxay ahaayeen xubinta keliya ee muddooyinkaan dambe xukuumadda federal-ka ah ku xakamaynaysay inay u hoggansanto dastuurka dalka inkastoo ay xukuumaddu ku xad-gudubtay qaybo ka mid ah xuquuqdii dastuuriga ahaa ee maamul goboleeddada, hadana markii ay xukuumaddu barlamankii ka dhigtay fadhiid aan waxba ku toornayn waxaa in badan cadaadis ku hayay maamul-goboleeddada, waxaana loo baahanayahay in shacabku intaas garto oo ay taageero buuxdo siiyaan maamul goboleeddada, iyagoo mar kasta taageeradooda ku salayniya dastuurka dalka. Waxaa fiiro gaar ah u baahan iyo qeexitaan inaan shacabku wax ku qiimayn dalalka shisheeyaha ah taageradooda siyaasadeed iyo taageero la’aantooda, maxaa yeelay taageerrada Itoobiya ay taageerayso dowladda Soomaaliyeed ama maamul goboleed ma ah mid wax laga weydiinayo ama loogu danayniyo qof Soomaali ah, ayaamahan waxaa aad u socda warar lagu jah-wareerinayo dad-weynaha oo la leeyahay maamul goboleeddadii dowladihii aduunka baa diiday!…oo hadday diideenna?! Waxaa arrin lagu qosla ah in xukuumadda Soomaaliya arrintan ay ku macnayso horumar ay ka gaartay xagga xiriirka ay la leedahay dalalka shisheeyaha ah laakiin ay runtu tahay in Itoobiya oo ka hor tegaysa jiritaanka awood siyaasadeed oo diida karta ama wax ka oran karta heshiisyada qarsoodiga ah ee ay ka saxiixatay Farmaajo ay iyadu kala shaqaynayso xukuumadda burburinta maamul goboleeddada!… madaxda maamul goboleeddada oo uu ugu horeeyo Cabdi Xakiim Cameey iyaguna waa inay intaas gartaan oo aysan ummadda mar labaad burbur dib ugu celin!…Cabsi iyo fuleynimana xaaldda dalka ka jirta boos ugma bannaana, waxayna ku quruxsanayd Cameey inuu is cazilo oo xukuummadda federal-ka ku biiro isagoo aan qalqal iyo xiisad gelin ammaannadii ay ummaddu u dhiibatay…xil-dhibaannada cusubna ha ka digtoonaadaan ragga Itoobiya iyo Farmaajo ay soo maal gashteen! W/Q:Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites