Deeq A. Posted December 6, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo ka dhacay tuulada Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid aad u culus ayaa lala beegsaday Kolanyo ay la socdeen saraakiil ciidan oo ka tirsan xoogaga dowlada Soomaaliya. Inta la xaqiijiyay Sagaal oo labo kamid ah ay saraakiil sarre yihiin, halka todobada kale ay ahaayeen Askar illaalo u ahayd ayaa ku geeryootay, iyadda oo uu jiro dhaawac. Taliyihii qeybta 12-ka April, Janaraal Cumar Dheere iyo abaanduulihi isla qeybtaasi Cabdi Cali Jamaame ayaa la hubiyay in lagu dilay qaraxa. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay masuuliyadda weerarkaan, kaasi oo noqonaya mid kamid ah kuwii ugu dhimashada badnaa bilooyinkii lasoo dhaafay. Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa inta badan waxaa weeraro jidgal ah lagula beegsadaan Askarta dowlada iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM. The post Saraakiil ciidan oo lagu dilay qarax ka dhacay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites