Deeq A. Posted December 6, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil ay maleyshiyo hubeysan ka geysteen degaanka Bali-busle ee gobolka Mudug. Dilka ayaa ka dambeeyay markii ay ragga hubeysan ugu tageen Marxuumka hoygiisa halkaasi oo ay ku toogteen. Ma cadda sababta ka dambeysay dilka ruuxa oo la sheegay inuu ahaa Xoolo dhaqato kamid ahaa dadka degan Tuuladda. Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan dilkaan oo kasoo baxay masuuliyiinta maamulka Puntland oo uu hoostago degaanka Bali-busle. Degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka waxaa laga soo wariyaa dhacdooyinka noocaan ah, xili ay badankooda salka ku hayaan Aanooyin Qabiil. The post Maleyshiyo hubeysan oo qof ku dishay G/Mudug appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites