Deeq A. Posted December 6, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Xoogaga Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku xirtay dad shacab ah iyo xubno ka barbar-dagaalama. Wararka ayaa intaas ku daraya in arrintani ka dambeeysay markii looga shakiyay inay wax ka ogaayeen duqayn lala beegsaday goob ay kooxda ku qaadi jirtay canshurta oo Awdheegle ku taalay. Qaar kamid ah dadka degaanka oo sababo amni uga gaabsaday in la baahiyo magacyadooda ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in dadka xabsiga loo taxaabay ay tiradoodu gaareyso wadar ahaan Tobban ruux. Dhowaan ayay ahayd markii dowlada Mareykanka ay sheegatay inay ku dishay afar kamid ah xoogaga Al-Shabaab weerar dhinaca cirka ah oo ay ka fulisay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. The post Al-Shabaab oo dad ku xirtay Shabeellaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites