Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka D/Xamar-weyne oo lagu dhaliilay Nafaada iyo Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Degmada Xamar-weyne oo kamid ah degmooyinka ugu taariikhda fog Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa xiligan noqotay mid wajahaysa xaalad aad u liidata kadib markii ay degmadani kulan satay amni daro iyo nadaafad xumo heerkii ugu hooseeyay.

Dadka degan  Xamarweyne oo badi  fikirkan qaba ayaa ku eedeyay Ku simaha gudoomiyaha ee degmadda Macalin Iidoow iyo gudoomiye kuxigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulkaas in aysan wax xil ah iska saarin howlihii loo igmaday oo ay kamid tahay dardargalinta arimaha Nabadgalyadda iyo Nadaafada  xili aysan gudoomiye rasmi ah lahayn iminka degmadda Xamar-weyne.

Qaar kamid ah Shacabka iyo Ganac-satada ku sugan degmadaasi oo lahadlay Idaacada Shabelle ayaa walaac ka muujiyay xaalada Nadaafad-xumo ee ay iminka la daalaa dhacayso Xamarweyne xili ay si joogta ah muwaadiniintaasi u bixiyaan Canshuurta, waxaa ayna sheegeen in ay si gaar ah u isticmaalan Maamulka degmadda Xamar-weyne lacagaha laga qaado ganacsatada maadaama aysan degmadda ka muuqan qarashaadkaasi.

Halka ay sartu ka quruntay ayaa ah sida ay dad badan aaminsan yihiin Maamulka  arimaha Bulshada gaar’ahaan Maxamuud Cali Maxamed [Maxamuud Dheere] maadaama ay masuulkan sheegeen dadka aan la hadalny in shaqadiisa ay ka muuqato habacsanaan baahan.

Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Soofaysane.mp3

The post Maamulka D/Xamar-weyne oo lagu dhaliilay Nafaada iyo Amniga appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this