Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi uu hogaaminayo Cabdi Xaashi oo gaarey Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wafdi balaaran oo ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hogaaminayay wafdigaan oo ay ku jiraan masuuliyiin kala duwan.

Madaxwaynaha Jubbaland, Axamed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caasimada gobolka Jubada Hoose.

Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa wuxuu salka ku hayaan sii ambaqaadida soo gabagabeynta khilaafka dowlada dhexe iyo maamulada.

Safarkaan ayaa la filayaa inuu qaato maalmo, islamarkaana uu kulamo kala duwan la qaato Gudoomiye Cabdi Xaashi madaxda ugu sareysa Jubbaland.

The post Wafdi uu hogaaminayo Cabdi Xaashi oo gaarey Kismaayo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this