Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Lagaga Dooday Maalgashiga Dalka Iyo Arrimaha Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 25-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06/12/2018, waxa lagaga dooday Maalgashiga iyo horumarinta dalku la wadaagi karo adduunka intiisa kale, iyadoo goluhuna warbiximo ka dhegeysteen, wasiirrada, arrimaha gudaha iyo horumarinta Maalgashiga.

47508807_1931657000281477_23328182599858

Goluhu waxay warbixin amniga la xidhiidha ka dhegaysteen wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, waxaanu wasiirku ku dheeraday adkaynta nabadgelyada dalka iyo qorsheyaasha ka hortaga falalka dhalinyarada caadaystay dhibaataynta ay habeenkii ka geystaan magaalooyinka qaarkood.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, ayaa warbixin ka siiyey golaha wasiirrada safarro shaqo oo uu ku soo maray dalka dibeddiisa, kuwaas oo la xidhiidha mashaariicda maalgashi ee dalku ku talaabsanayey mudooyinkii u danbeeyey iyo sidii shacab iyo xukuumad ba loogu diyaar garoobi lahaa mashaariicda maalgashi ee dalka kusoo wajahan, iyada oo indhaha caalamku kusoo jeedaan waddanka, danaynayaanna khayraadka dihin ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu golihiisa wasiirada ku adkeeyey in ay dardargeliyaan mashaariicdii horumarineed ee uu kasoo dhagax-dhigay gobolladii uu safarka ku soo maray, isla markaana ay dhammaystiraan dhammaanba mashaariicdii hore uga socday gobollada dalka.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this