Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Aqalka sare oo gaaray Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana ku sii sagootiyay xubno katirsan dowlada Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ka hor inta aanu ka amba bixin garoonka Muqdisho hadal kooban uu siiyay wariyaasha ayuu faah faahin uga bixiyay safarka uu ku tagayo Kismaayo.

“Aniga iyo Wafdi aan hoggaaminaayo waxaan aadeynaa Kismaayo Jubbaland, waxaan u aadeynaa waa tii aan hawl soo wadnay meel gabo gabo ah ayeey mareysaa, waxaan rabnaa markaasi in aan xoogga dadka marka hore cid waliba inaynu aragno oo dalkeena sidii si nabad ah oo mid ah wax u dhaqaajin laheyn in aan soo dhiraan dhirino. Ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa lagu wadaa in uu Kismaayo kula kulmo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Aqalka sare ee dalka ayaa ku howlan dhameeynta qilaafka u dhaxeeya Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

 

The post Gudoomiyaha Aqalka sare oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this